Tukuraq ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dheexeeyay maamullada Soomaaliland iyo Puntland oo maanta ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalka oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay in khasaare uu ka soo gaaray labada dhinac iyo dad Rayid ah intaba.

Rashiid Dhuunkaal Xirsi oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada maamulka S/land ayaa sheegay in dagaalkaasi looga dilay illaa 2 Askari, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale.

Waxaana uu intaasi ku daray in dhankooda waxyeelo xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamada Puntland, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Gaadiid iyo Askar, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi (Qarjab) oo la hadlay Warbaahinta  ayaa  xusay in Ciidamada maamulkaasi ay guulo ka gaareen dagaalkaasi.

Wasiir Qarjab ayaana ku eedeeyay Ciidamada Soomaaliland in iyagu ay soo qaadeen dagaalkaasi.

Xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ayaa soo noq noqotay, welina waxaan muuqan dadaalo looga hortagayo colaadaasi.