Xudur (Sh. M. Network)-Wararka laga helayo Gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa ku soo waramaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Xarumo ay daganyihiin Maleeshiyaad Taabacsan Sheikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku yaala deegaanka Abal oo qiyaastii 18 KM u jira Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal saacado qaatay oo u dhaxeeyay dagaalyahanada Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka Taaabacsan Sheikh Mukhtaar Roobow, kaas oo geystay Khaasro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadaasii ku daagalamay deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cabdi Aadan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dagaalku uu bilaawday, kadib markii dagaalyahano ka tisran Al Shabaab ay weerareen deegaanka Abal, oo uu ku suganyahay Sheikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay ku soo badbaadiyaan Sheikh Mukhtaar oo maalmihii la soo dhaafay wada hadal hoose uu u socday Isaga iyo madax ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno Gobolka Bakool ay sheegaya in dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay bilaaben Barakac xoogan , maadaama ay jirto Cabsi la xariirta in ay markale dagaallo ka dhacaan Gobolkaasi Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.