Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Fax-fax Dhuun ee Gobolka Gedo.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhex dhacay Guriga Guddoomiyaha deegaankaasi Aadan Shuqul Nuunow, waxaana ku dhawaacamay 2 Qof oo ay midi tahay Gabar uu dhalay Guddoomiyahaasi.

Guddoomiyaha Deegaanka F Fax-fax Dhuun Aadan Shuqul Nuunow oo la hadlay Idaacadda Shabelle waxa uu sheegay in ay baritaan ku hayaan qaraxaasi, oo an weli la ogeyn Nuuciisa waxa uu ahaa.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka.