Boosaaso  (Sh. M. Network)-Waxaa saacadihii la soo dhaafay gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland lagu dilay Askar ka tirsan ciidanka maamulkaasi Puntland.

Weerarka oo ka dhacay Bariga Magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu dilay Marxuum Maxamed Baradho oo la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland, iyadoona lagu dhawaacay Askari kale.

Al Shabaab ayaa Dusha u ridatay masuuliyadda weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugidda Puntland, sida ay ku sheegeen Qoraal ay soo dhigeen Bartooda Internetka.

Waa dilkii labaad oo isla Toddobaadkan ka dhaca Magaalada Boosaaso, iyadoo dhawaan Xaafada Afar Irdood ee Mgaaladaasi lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Bari Khadar Ismaaciil Cabdulle, kaasi oo ay dilkiisu sheegteen Xarakada Al Shabaab.