Muqdisho (Sh.M.Network)-Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa xalay ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho , kaas oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa ku fiday goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuqaas.

Waxaana Dabkaasi uu ka kacay Dhabarka dambe ee Masjidka Dawada gaar ahaan dhismayaasha loo yaqaanno Bunka.

Dabka ayaa waxaa ku basbeelay Goobo Ganacsi oo yar yar oo lagu iibiyo Agabyada yar yar oo ay ka mid yihiin Kobaha iyo Suumaanka  iyadoona Dab Damisyo ka kala socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku guuleysteen in gebi ahaan Dabkaas la damiyo.

Mid ka mid ah dadkii tagay xalay goobtaasi ayaa Shabelle uga warbixiyay waxyaabihii u ku soo arkay halka dabku kacay ,kaas oo tilmaamay in Dabka uu ku basbeelay qeybaha sare ee dhismayaasha dabku qabsaday ee u dhow Masjidka

Waa Markii 3aad oo isxig xiga ee sanadkaan gudihiisa uu  dab ka kaco qeybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha, mana jirto qorshayaal Ganacsatada ay uga baaraan dageen in looga hortago in dab uu qabsado Suuqaasi.