Buuhoodle ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Todheer, kaas oo u dhaxeeyay Maleeshiyo Beeleed wada daga gobolkaasi.

Dagaalka oo muddo Saacado ah qaatay ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Buuhoodle ee gobolkaasi.

Ugu yaraan 3 Qof ayaa ku Geeriyootay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale oo u badnaa dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Maleeshiyaadka dagaalamaya oo Reer Mii ah ayaa la sheegay in isku hayaan dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Dadaalo nabadeed oo ay wadaan maamulka gobolka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ka socda magaalada Buuhoodle, si looga hortago dagaalkaasi.

Xiisada ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanku la sheegay bin ay bilaabeen arakac, si ay uga foogaadaan waxyeelo ka soo gaartay dagaalkaasi.