Xeraale (Sh. M. Network)-Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Gobolkaasi ayaa ku soo waramaya in marakale dagaal Culus uu ka qaraxay deegaankaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay laba Maleeshiya beeleed oo ka soo wada jeeda deegaankaasi Xeraale ee Gobolka Galgaduud, waxaana saakay uu ka dhacay Afaafka hore ee deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen Daryanka rasaas xoogan oo ay isku adeegsanayeen dhinacyada ku dagaalamaya Deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Xeraale Bashiir Daahir Dhega Badan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka, islamarkaana uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow uusan cayimin inta uu gaarsiisanyahay.

Xaalada deegaanka ayaa hada ah mid kacsan, iyadoo dhinacyadii ku dagaalamay ay weli isku hor fadhiyaan deegaankaasi, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaallo ay ka dhacaan halkaasi.