Baladweyne ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha deegaanka Far Libaax ee Gobolka Hiiraan Jamaal Xaaji Cali oo la hadlay idaacadda Shabeelle ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo ciidamada dowladda iyo Xarakada A Shabaab ku dhexmaray saacadihii lasoo dhaafay deegaankaasi Far Libaax oo dhaca duleedka Magaalada Baladweyne.

Waxaana uu sheegay in dagaalka uu bilowday, kadib markii fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda ay weerar xoogan ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Sidoo kale guddoomiye Jamaal Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dagaalkaasi looga dilay 1 askari, midkana looga dhaawacay.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ku qaada saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolkaasi Hiiraan, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaarto ciidamadaasi.