Xudur ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu dhexeeyay Ciidamada maamulka Koonfur Gabeed, kuwa Itoobiya iyo Al Shabaab.

Waxaana dagaalkan uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidankaasi.

Al Shabaab ayaa ku baahiyay barahooda Internet-ka in dagaalkaasi ay ku dileen illaa iyo 3 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale ay ku qabsadeen Qoryo Ak47 ah oo ay wateen Askartaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ay ku qaadeen Guriga guddoomiye ku xigeenka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Weerarka ayaa la sheegay in waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay qaar ka mid ah illaalada guddoomiye ku xigeenka degmadaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay in Askari ka tirsanaa Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku dileen gudaha degmadaasi Qansaxdheere.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxaya saraakiisha Ciidamada  maamulkaasi oo ku aadan dagaalka iyo weerarkaasi intuba.

Balse indhawaanahan waxaa gobollada Baay iyo Bakool ka socday dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda, waxaana gobolladaasi weli ku xoogan Xarakada Al Shabaab