Kismaayo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid kadib markii Ciidanka dowladda qeybta 43aad ee Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen tuulada Gawaan oo ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo dhemaray labadaasi dhinac.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Taliye ku xigeenka qeybta 43aad ee Ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen gacanta ku heynta tuulada Gawaan oo hoostag degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana intaasi ku daray taliyuhu in haatan dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan halkaasi.

Dhanka kale weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan  dagaalkaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhan ah Al Shabaab ee ka socda deegaanada maamulka Jubbaland.