Marko (Sh. M. Network)-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay inta u dhexeysa Magaalada Buulomareer iyo deegaanka Golweyn ee Gobolkaasi, kadib markii Al Shabaab ay weerareen Kolonyo ka tirsan Ciidanka dowladda oo ku sii jeeday deegaanka Buulomareer.

Dagaalka ayaa ku bilowday Qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay, iyadoona uu xigay dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al Shabaab.

Lama oga illaa iyo iminka Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo Qaraxii ka horreeyay  intaba.

Dhinacakale mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in howlgallo Saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano ku teedsan Buulomareer intii ay ku guda jireen ay Rasaas dagalamayaal ka tirsan Al Shabaab ku soo fureen Ciidamadii howlgalkaasi waday, islamarkaana ay ku baacsadeen sida uu hadalka u dhigay.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ugu xoogan yihiin Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab, iyagoona ka fuliyo weeraro mararka qaar waxyeellooyin ay kala kulmaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.