Buulo-Mareer ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan Barqanimadii maanta uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in uu yimid, ka gadaal markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Mootooyin ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa DFS oo ka soo ambabaxay deegaanka Golweyn, kuna sii jeeday magaalada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dileen illaa 3 Qof oo uu mid ka mid ah ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda, halka labada kale ay ahaayeen dad Rayid ah.

Sidoo kale Ciidamada milatariga ayaa dhankooda weerar rogaal celis ah ku qaaday dagaalyahannada Al Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Jeebey oo hoos yimaada magaalada Buulo-Mareer ee gobolkaasi.

Sarkaaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 1 dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Inta badan Shabeelaha Hoose waxa ka dhaca weeraro gaadmo oo ay ka fuliyaan dagaalyahannada Al Shabaab ee ku sugan gobolkaasi.