Qoryooley ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose.

Dagaalkan ayaa ymidi, kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen fariisin Al Shabaab ay ku lahaayeen Nawaaxiga degmadaasi Qoryooley.

Taliyaha ciidanka Booliska ee Qoryooley Cali Maxamed Aadan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanka uu dagaalku ka dhacay, islamarkaana haatan ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Waxaana uu tilmaamay in ay gacanta ay ku hayaan mid ka mid ah dagaalyahannada Al Shabaab, islamarkaana dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiyeen Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.