Muqdisho ( Sh. M. Network)-Waxaa goor dhow Xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshid lagu dilay Nin magaciisa lagu soo koobay Cartan, kaas oo ay warar kala duwan ka soo baxayaa dilkiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka tirsanaa Ciidanka Badda ee dowladda, halka warar kalena ay tilmaamayaan in uu ahaa guddoomiye Waaxeed, inkastoo aan la hubin warkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Iadacadda Shabeelle u xaqiijiyay in Marxuumka la toogtay, xilli ay ku sugnaa Naxaaxiga Daarta Wiif ee Xaafadda Suuq Bacaad Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Waxaana la sheegay in Nin ku hubeysnaa Bastoolad uu dilkaasi geystay, kaas oo ay markii dambe isna toogteen ciidamado ka tirsan dowladda, gaar ahaan kuwa NISA.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Yaaqshid ee ku aadan dilka Marxuukaasi.

Balse waxa uu qeyb ka noqonayaa dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan toddobaadyadii la soo dhaafay uga dhacayay Magaalada Muqdisho.