Baardheere ( Sh. M. Network )-Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo xoogan waxa ay ka fuliyeen deegaanno hoosyimaada degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Inta la xaqiijiyay 6 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay duqeyntaasi , kuwaas oo dhaawacyadooda saaka la gaarsiiyay Isbitaal ku yaalla degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale Duqeyntaasi waxaa ku naf waayay Xoolo  Tobanaan gaaraya oo u badan Geel sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo ka fuliya qeybo ka mid ah Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay deegaanno ka tirsan maamulaan Xarakada Al Shabaab.