Afgooye ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn khasaaro geysatay oo Xalay Saqdii Dhexe diyaarado dagaal ay ka fuliyeen nawaaxiga degaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeyntan ayaa la sheegay in lala beegsaday gaadiid ay la socdeen xunbo ka tirsan Al Shabaab oo marayay inta u dhaxeysa deegaanada Shalanbood iyo Buufow ee Gobolkaasi.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi iyo heybta diyaaradaha daagal ee duqeyay halkaasi.

Balse inta badan diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeymo dhanka Cirka ha ka fuliya Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al Shabaab.