Jilib ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn diyaaradeed oo Saacadihii l soo dhafay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo ahayd mid xoogan ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday saldhig Al Shabaab ay ku leeyhiin gudaha degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in magacooda iyo Codkaba loo adeegsado Warbaahinta  ayaa xaqiiyay in Gantaal xoogan uu ku hoobtay gudaha Saldhigaasi.

Lama oga illaa iyo hadda heybta diyaaradaha fuliyay duqeyntaasi, mana cada khasaaraha dhabta ah ee k dhashay.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay isku geedaameen nawaaxiga saldhigga la duqeeyay, waxaana la sheegay in gabi ahaan ay xireen dhaq dhaqaaqa halkasi

Inta badan diyaaraha dagaalka ee Kenya iyo kuwa Mareykna a ayaa duqeymo ka fuliya gobollada Jubnbooyinka, kuwaas oo ay la beegsaday xarumaha Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolladaasi.