Baydhabo ( Sh. M. Network):-Qaraxani Bambaano ayaa xalay lala beegsaday Hooyga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Madeer.

Inta la xaqiijiyay waxaa Qaraxaasi ku dhaawacmay illaa 2 qof oo la sheegay in ay isugu jireen mid ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha la weeraray Hooygeeda iyo mid ka mid ah shaqaalaha ka howlgala Guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Madeer.

Dhaawacyada ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Weyn ee Magaalada Baydhabo , waxaana soconaya Howlgallo Laamaha Ammaanka Magaalada Baydhabo ay ku baadi goobayaan Kooxihii weerarkaas ka dambeeyay.

Ma jiro illaa iyo iminka cid loo soo qabtay qaraxaasi waxaana weli soconaya baaritaanno xoogan oo Ciidamada Ammaanku wadaan.