Afgooye ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay ruux naftii hure ahaa oo waday Gaari Hoomey ah, waxaana uu ka dhacay afaafka hore fariisin Ciidamada DFS ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi, iyadoona la sheegayo in khasaaro uu ka soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in rasaas xoogan ay is weydaarsadeen Ciidamada dowldada iyo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Hasa ahaatee Cabdi Ibraahim Shaamow “Cabdi Dheere” oo ah taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Sh/ hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa beeniyay in dagaal toos ah uu ka dhacay halkaasi.

Waxaana uu sheegay in qaraxaasi kaliya uu ku dhintay shaqsigii waday Gaariga qarxay, sidoo kalena ay ku dhawaacmeen illaa 3 Askari oo ka tirsan Ciidamada DFS.

Dhinaca kale dhaawacyada Ciidamadii ka tirsanaa kuwa dowlada Soomaaliya ee loo soo qaaday M/ Muqdisho ayaa la sheegay in marka kale qarax labaad lagula eegtay deegaanka Siinka Dheer, gaar ahaan halka loo qayaano Isbaarada Shabelle.

Ilo deegaanka ayaa sheegay in qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo aan la xariirnay ayaan inoo suura gelin in aan ku helno qadka Taleefanka, si aan wax uga weydiino qaraxaasi.

Halkan hoose ka dhageso Codka Taliye Cabdi Dheere.