Baydhabo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxa ayaa ka shahay Bam Gacmeed la sheegay in lagu weeraray Askari ka tirsan Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Askariga ayaa lagu soo warramayaa in uu ka badbaaday qaraxaasi, balse waxaa ku dhaawacmay illaa 4 Qof oo Rayid ahaa oo ka agdhawaa halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi, mana jirto illaa iyo iminka cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona Ciidamada amaanku saakay howlgallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.