Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Gaari oo ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa Gaasrigiisa loogu xiray Nin magaciisa lagu soo koobay Xirsi Dhiblaawe, kaas oo la sheegayo in dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxaana Barahooda Internetka ay ku shaaciyeen in ay la beegsadeen sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, islamarkaana xusay in dhawaac culus uu ka soo gaaray weerarkaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Dr Xaashi Dhiblaawe oo ka mid ah Dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada Muqdisho, islamarkaana la soo xariiray Idaacadda Shabelle ayaa beeniyay in qaraxaasi isagu lala eegtay, xilli warbaahinta qaar ay tabisay wararkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in uu caafimaad qabo, islamarkaana uusan ahayn shaqsiga lala beegsaday qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay falalka ammaan dari ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho, iyadoona weerarkii ugu dambeeyay lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2 ee Degmada Xamarweyne, kaas oo ay masuuliyaddiisu sheegteen Xarakada Al Shabaab.