Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya oo saaka ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu watay sarkaalkaasi, kaas oo ahaa Kaarib ay lahaayeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Dheere, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga Soomaaliya.

Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay qarxan, marka laga reebo sarkaalka geeriyooday, sidoo kalena illaa hadda qofna ma sheegay masuuliyaddiisa.

Toddobaayadii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan falal amni darro ah ay uga dhacayeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.