Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay Wadadaasi, xilli waxyar ka hor uu marayay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in 2 Qof oo shacab ahaa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, islamarkaana ay goobta gaareen ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay halkaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka ee dowladda oo ku aadan qaraxaasi.

Shalay ayey ahayd markii qarax Gaari uu ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaas oo ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Waxaana arrimahan ay ku soo aadayaan, xilli dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.