Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxa lagu weeraray barqanimadii maanta xarunta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ka dhashay Gaarim laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay ilinka hore ee xarunta degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhintay ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyen dad Goobjoogayaal ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray shaqaale ka howlgalayay xarunta degmada, Askar ka tirsanaa Ciidamada DFS iyo dad Rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale qaraxan ayaa geystay khasaaro hantiyadeed, iyadoona burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha xarunta degmada Hodan iyo guryo kale oo ka agdhawaa.

Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii goobta soo gaaray ayaa kormeer uu sameeyay kadib waxa uu ka warbixiyay qaraxaasi.

Guddoomiye Yariisow ayaa cambaareeyay weerarkaasi lagu qaaday xarunta degmada Hodan ee gobolkan Banaadir.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, sida y ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen in ka badan 10 Qof, sidoo kalena ay ku burburiyeen xarunta degmada Hodan ee gobolkan Banaadir.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Al Shabaab weerar ismiidaamin ahaa ay ku qaadeen xarunta degmada Howlwadaag, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.