Baladweyne ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya qarax Miino lagula eegtay duleedka Degmada Baladweyne ee xarunta Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda qaraxaasi  lagula bartilmaameedsaday deegaanka Lajecley ee Gobolka Hiiraan.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi waxaa ay Barahooda Internet-ku baahiyeen in ay ku dileen 4 Askari, kuna dhaawaceen tiro kale.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan qaraxaasi.

Dhinaca kale dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar Madaafiic ah ku qaaday saldhigga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, balse Saaakay Xaaladdu waxa ay tahay mid dagan.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolkaasi Hiiraan.