Boosaaso ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxyadan ayaa la sheegay in mid ka mid ah lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa Xaafadda Cariga ee magaaladaasi, halka kan kale ay fashiliyeen Ciidamada Puntland.

Ma cadda khasaaraha Ciidamada maamulkaasi ka soo gaaray qaraxa, balse waxaa la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay dad Rayid ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa lagu soo warramayaa in howlgallo ka wadaan magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya saraakiisha Ciidamada Puntland oo ku aadan qaraxyadaasi.

Mana jirto cid sheegatay masuuliyadooda, balse waxa ay ku soo aadayaan, xilli xalay weerar xoogan Al Shabaab ay ku qaaden saldhiga Booliska ee magaaladaasi.