Afgooye ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo Xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana la sheegay in weerarkaasi lagu qaaday bar Koontarool oo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jirto weli wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen mas’uuliyiinta degmadaasi.

C/weli Cali Online oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala magaaladaasi ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.