Muqdisho ( Sh. M. Neetwork )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar Xalay ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Rag hubeysan ayaa weerar xoogan ku qaaday bar koontarool oo ay Ciidamada NISA ku leeyihiin Nawaaxiga Baar Jowhar Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmadaasi Heliwaa.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo Muddo qaatay, kaas oo la’isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, balse waxaa Saakay qeybo ka mid ah Degmadaasi baaritaano ka wada Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.

Illaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Heliwaa oo ku aadan dagaalkaasi.

Mana’ahan markii ugu horeysay ee uu weerar ka dhaco Xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaana inta badan Degmada Heliwaa ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay ka dambeeyaan Dabley hubeysan.