Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dabley hubeysan ayaa Xalay weerar ku qaaday Bar Koontorool oo ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin Xaafadda Xamar Jadiid Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Gaari Noah ah oo ay la socdeen Rag hubeysan ay rasaas ku fureen ciidankaasi, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in 1 Askari uu ku dhaawacmay weerarkaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa Barahooda Internetka waxa ay ku shaaciyeen in weerarkan ay ku dileen illaa 3 Askari, tiro kalena ay ku dhaawaceen, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka ee dowladda oo ku aadan Weerarkaasi.

Balse muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka sida dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.