Muqdisho ( Sh. M .Network):-Xalay waxaa Weeraro iyo Dagaallo fool ka fool ah siyaabo kala duwan uga dhaceen deegaanka Lafoole iyo Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Al Shabaab ayaa weeraray Xarun Ciidamada Booliska ay ku leeyihin deegaanka Lafoole iyagoona sidoo kale Madaafiic la beegsaday xarun Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Carabiska, waxaa halkaas sidoo kale ka dhacay dagaal toos ah iyadoona Ciidamada AMISOM iyaguna ay  Madaafiic soo rideen.

Lama Oga Khasaaraha weeraradaasi iyo dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale waxaa xalay weerar iyo dagaal xoogan uu ka dhacay Xerada Maslax ee Suuqa Xoolaha

Daryanka Hubka Cul culus ayaa la maqlayay iyadoona inta badan Xaafadaha Muqdisho daryanka xoogan ee hubka la isweedaarsaday laga maqlayay.

Ma cadda Khasaaraha weerarkaasi iyo dagaalka xigay xilliga oo Habeen ahayd aawgeed.

Al Shabaab ayaa u muuqday kuwa si aad u soo xoojiyay weerarada ay ka geystaan Xarumaha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.