Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamada Galmudug oo garab ka helaya Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al Shabaab oo Barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee goolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu socday muddo saacado ah, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan.

Waxaana dagaalkan uu yimid, kadib markii Al Shabaab ay ku soo dhawaadeen deegaankaasi, basle ay dagaal kala hortageen Ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyaad deegaanka ah.

Iyadoona markii dambe ay dib u laabteen dagaalyahannadii Al Shabaab ee soo gaaray duleedka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaan goobihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada maamulka Galmudug oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Maalimihii dambe dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.