Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay u diyaar garoobayaan in ay ammaanka kala wareegaan ciidamada AMISOM haatan ku sugan dalka.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in Ciidanka qalabka sida Soomaaliyeed ay iminka u muuqdaan kuwa leh awood ay ku hanaan karaan sugida nabad gelyada dalka.

Sidoo kale Madaxwyne Farmaajo ayaa cod dheer ku sheegay in dowladdiisu ay ku garab istaagi doonto Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Agab iyo Daryeel intaba.

Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Ciidamada iyo Saraakiishooduba ay dar dar geliyaan howlaha ay u hayaan  Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay xilli shalay uu booqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xero ay dowladda Imaaraatka Carabtu tababar ugu fidineyso Ciidamo Soomaaliyeed oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan.