Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da yaa ka hadlay arrimo la xariira wadahadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in la bilaabayo wadahadalladaasi, islamarkaana dowladdiisu ay ka shaqeyn doonto sidii la’isugu soo dhaweyn lahaa.

Waxaana uu intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay isku baahan yihiin, kala fogaanshahoodana ay dib u dhac u keeneyso horumarka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.