Muqdisho ( Sh. M. Network )- Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare aya ka hadlay sababihiii uu maanta u furmi waayay Kal-fadhiga afaraad ee Golahaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn guddiga ayaa u tacsiyeeyay dhammaan ehelladii ay dadkoodii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay xarunta degmada Hodan ee G/ Banaadir.

Intaasi kadib guddiga joogada ee Aqalka Sare ayaa shaaciyay in dib loo dhigay furitaanka kal-fadhiga 4-aad ee Golaha sababo amni iyo mid farsamo intaba.

Halkan hoose ka Akhriso:-