Gaalkacyo (Sh. M. Network)-Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Generaal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa Gaadiid nuuca dagaalka ah waxa uu ku wareejiyay ciidamo boolis Isku Dhaf ah oo ka howlgali doona Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ay muhiim u tahay shaqada ciidankaasi oo ka howlgali doona Magaalada Galkacyo, si ay u xaqiijiyaan Amniga Magaladaasi.

Sidookale taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidamadaasi in ay si weyn uxaqiijiyan amaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ballanqaaday in ay heli doonaan mushaaraadkooda.

Dhinacakale Labada madaxweynayne ku xigeen ee maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa booqday xarumaha loogu talagalay in ay dagaan ciidamada Isku Dhafka ah, kuwaasi oo ka shaqayn doona guud ahaan amaanka Magaalada Gaalkacyo.

Shalay ayaa Tababar ay qaateen ciidamadaasi loogu soo xiray Magaaladaasi Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.