Muqdisho ( Sh. M. Network )-Gawaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa Saakay jiiray goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa timid, kadib markii uu fariin goostay mid ka mid ah Gawaarida AMISOM oo marayay Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in illaa 3 goobood oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed uu burburiyay Gaarigaasi.

Balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo Gacanta ku dhigay Gaariga Shilkaasi geystay.

Waxaana haatan socda baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen, iyadoona saraakiisha Ammaanku ay ku dadaalayaan in ay Magdhow helaan Ganacsatadii khasaaruhu ka soo gaaray Shilkaasi.

Inta badan Gawaarida Ciidamada AMISOM ayaa Shilal ka geysta gudaha Muqdisho, waxaana dhowr jeer siyaaabo kala duwan ay u jiireen Muwaadiniin Soomaaliyeed.