Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wadayaasha Gaadiidlayda ka howlgala Dekadda Weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay in maalin iyo habeen ay shaqeyo Dekedda.

Qaar ka mid ah darwalladaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin horumarka iyo shaqada ka socota Dekedda Muqdisho.

Waxaana ay DFS uga mahadceliyeen tallaabadaasi ay qaaday, iyaga oo tilmaamay in wax badanay ka bedali doonto shaqadooda.

Xalay ayey aheyd markii ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS uu daah furay Daah-furay in Dekedda Muqdisho ay shaqayso habeenkii, taas oo la micno ah in Habeen iyo Maalin ay Dekaddu shaqaynayso,si loo kordhiyo kobaca dhaqaale ee dalka.`