Muqdisho ( Sh. Network )-Ciidamada aminga ee DFS ayaa gacanta ku dhigay Gaari oo looga shakiyay in ay saaran yihiin waxlaha qaraxa.

Gaariga oo ah NOAH ayaa waxaa la sheegay in la soo dhigay agagaarka bar koontarool oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda ayaa haatan baaritaano dheeraad ah ku haya Gaarigaasi laga shakiyay.

Illaa iyo iminkana ma jirto wax war ah oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka soo saareen arrimaha Gaarigaasi.

Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha.