Muqdisho ( Sh. M. Network )-Gaari yar oo nuuca raaxada ah ayaa lagu soo warramayaa in Saakay aroortii laba caruur ah uu ku dilay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Caruurtan oo da’doodu ay u dhexeysay 11 jir iyo 9 jir ayaa la sheegay in Gaariga uu jiiray xillli ay u socdeen Dugsi Qur’aan.

Waxaana uu shilkan ka dhacay agagaarka halka oo yaqaano UNICEF, gaar ahaan dhinaca degmada Waabri ee gobolkan Banaadir.

Wadihii gaariga ayaa lagu soo warramayaa in uu baxsaday, balse gacanta lagu dhigay laba Dumar ah oo la socotay Gaarigaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in darawalka Gaariga watay uu ahaa Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Qaar ka mid ah Ehellada caruurta ku Geeriyootay dhacdadaasi ayaa Shabelle uga warramay, sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.