Muqdisho ( Sh. M. Network )-Inta la xaqiijiyay 2 Qof ayaa geeriyootay oo Naafo ahaa, kadib markii uu soo fariin goostay gaari Xamuul ah oo marayay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana ciidamada dowladda oo tagay goobta uu shilkaasi ka dhacay ay Gacanta ku dhigeen darawalkii gaariga, sida uu xaqiijiyay Goobjooge la hadlay idaacadda Shabelle.

Sidoo kale Goobjoogaha ayaa sheegay in labada Qof ay ahayeen kuwo isla socday, islamarkaana uu jiiray gaariga, xilli ay ku sugnaayeen qeybta Badarka Suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaasi oo isla goobta ku geeriyoday.

Inta badan shilalka nuucaani oo kala ah ayaa loo sababeeyaa darawada oo si xawli ah ku kaxeeya gaadiidka xilliyada ay marayaan wadooyinka waa weyn ee ee Magaalada Muqdisho.