Muqdisho ( Sh. M. Networkk )-Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee DFS ayaa maanta rasaas ku furay Gaariga Hanti Dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye.

Gaariga oo ahaa nuuca loo yaqaano Bullet Buruuf ee aan xabadu karin, islamarkaana marayay Isgoyska Sayidka ayaa la sheegay in ay Ciidanku ay jojiyeen

Waxaana Darawalka Gaariga uu ka dhaga adeegay amarka Ciidanka, iyagoona rasaasta kaga dhuftay taayarada, taas oo keentay in taayaradu ay fariistaan.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in xilliga la rasaaseynayay Gaariga uusan la socon Hanti Dhowraha Qaranka, iyadoona markii dambe la sii daayay.

Dhacdooyinka nuucani oo kale ah ayaan ku cusney M/ Muqdisho, waxaana inta badan Ciidamada dowladdu ay rasaas ku furaan Gaariga ay markaasi ka shakiyaan, taas oo keento waxyeelo dhimasho iyo dhaawac.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-