Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Madaxda maamullada Galmug iyo Puntland ayaa ka wada hadlay Nabadda gobolka Mudug, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Waxaana kulanka goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.

Kulan ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray wada shaqeynta labada maamul iyo sidii loo xoojin lahaa Nabadda\ iyo Xasiloonida gobolka Mudug.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdi Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.