Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa markale ka wada hadlay Nabadda iyo Xasiloonida deegaanada Gobolka Mudug, kadib markii ay maanta shir ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolkaasi.

Waxaana shirkaasi ka qeyb galay guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Maamullada Galmudug iyo Puntland, saraakiil ciidan iyo xubno ka socday Qaramada Midoobay.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa diirada lagu saaray, sida looga hortagi karo colaadaha haatan ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Mudug iyo sida loo xoojin karo ciidanka isku dhafka ah ee labada Maamul.

Maxamuud Cilmi oo ka mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Galmudug ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in la’is afgartay in la badiyo ciidamada isku dhafka ah ee Gaalkacyo, si ay uga shaqeeyaan guud ahaan Nabadda Gobolka Mudug.

Waxaana uu intaasi ku daray in kulamada ay sii socon doonaan, tan iyo inta Xasilooni buuxda looga soo dabaalayo Gobolkaasi Mudug.

Weli deegaano dhaca bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa ka taagaan xiisado dagaal oo u dhexeeya maleeshiyaad kala taabacsan Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo dhowr jeer ku dagaalamay deegaanadaasi.