Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Xilli deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ay weli ka taagan tahay xiisado colaadeed oo u dhexeeya maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxa isa soo taraya eedeymaha ay isu jeedinayaan madaxda maamulladaasi.

Taliyaha aaga waqooyi ee maamulka Puntland Cabdirashiid Qodhob oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in melseehiyaad ka soo jeeda Galmudug ay weerar ku soo qaadeen goob ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Puntland.

Isagoo sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaasi ciidanka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale taliyaha milatariga Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Xassan Faarax Kaarshe ayaa beeniyay warkaan ka soo baaxay Puntland, waxaana uu sheegay in dadka halkaasi ku dagaalamay ay yihiin ciidamada maamulkaasi Puntland iyo maleeshiyaad deegaanka ah sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu meesha ka saaray in wax lug ah ay ku leeyihiin dagaaladaasi ciidamada maamulka Galmudug

Hadalkaan ka soo baxay maamullada Galmudug ayaa imaanaya, xilli habeen hore uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Godad ee bariga Gobolka mudug oo ay madaxda maamulladu mid kastaa kan kale uu ku eedeynayo in isagu uu ka danbeeyay weerarkaasi.