Cadaado (Sh. M. Network)-Guddoomiyaha deegaanka Qorqoora ee Bariga Gobolka Mudug Xassan Cismaan Nuur ayaa si kulul uga hadlay dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaankaasi.

Waxa uu sheegay in dhowr qof oo Shacab ah lagu dilay deegaanka iyo nawaaxigiisa, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ahaayeen Xoolo dhaqato.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka hortagi doonaan kooxaha ka danbeeya dhibaatooyin kaasi iyo kuwa ka geysta dilalka qorsheysan ee ka dhaca Gobolkaasi Mudug.

Xiisada dilalkaasi qorsheysan ee ka dhacay Bariga Gobolka Mudugu ayaa haatan ka jirta deegaankaasi Qorqoora, waxaana la sheegay in ay salka ku hayaan aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaankaasi.