Gaalkacyo (Sh. M. Network)-Maamulka Galmudug ayaa faah faahin ka bixiyay weerar saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka danbeeyeen maleeshiyaad ka ymid dhanka Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu sheegay in deegaanka Godad ay ku dileen dad xoolo dhaqato ah oo ay ku jiraan Laba wiil oo walaalo ah sida uu Shabelle u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug.

Isagoo ugu baaqay madaxda maamulka Puntlnad in ay Jawaab ka  bixiyaan weerarkaasi lagu dilay dadka Shacabka ah.

Waxaa dhoor jeer deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug ka dhacay weeraro lagu dilay dad Shacab ah, kuwaas oo ay Galmudug ku eedeyneyso maamulka Puntland, mana jirto wax war ah oo ay Puntland ka soo saareen eedeyn taasi.