Gaalkacyo (Sh. M. Network)-Duqa Magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in maalmaha soo socda ciidamo Isku Dhaf ah oo ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland ay howlgallo ka bilaabi doonaan Magaaladaasi.

Waxa uu tilmaamay in ciidamadaasi ay ka shaqeyn doonaan amaanka guud Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, looguna talagalay Sida uu sheegay Duqa Gaalkacyo in ay ka hortagaan falalka amaan dari ee ka dhaca Magaaladaasi.

Waxaana uu carabka ku dhuftay in Labada maamul ay isla Garteen in la sameeyo ciidamo Boolis Isku Dhaf ah oo ka shaqeeya sugida amniga Galkacyo.

Iyadoo shalay ciidamadaasi uu Tababar u soo xiray taliyaha ciidmada Booliska Soomaaliya Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo howlo shaqo u jooga Magaaladaasi Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.