Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta Xukun ku riday Kalluumeysato u dhalatay Dalka Yemen, kuwaas oo lagu eedeeyay in si sharci daro ay uga Kallumeysanayeen Xeebaha Maamulka Galmudug.

Waxaana Kalluumeysatadaasi oo gaarayay illaa 3 Nin Maxkamaddu ay ku riday Xukun isugu jira Xabsi iyo Ganaax Lacageed.

Kaaliyaha Maxkamada Gaalkacyo ee Galmudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe oo ku dhaawaqay Xukunka aya sheegay in eedeysanayaasha ay qirteen dambigii lagu soo oogay, kadib markii maanta la hor geeyay Maxkamadda.

Waxaana uu sheegay in lagu xukumay min 2 sano oo Xabsi ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan 2000 oo Dollarka Mareykanka ah.

Ciidamada Badda ee Maamulka Galmudug ayaa Raggan 2 dii bishii hore ka soo qabtay Xeebaha Galmudug, xilli si sharci daro ah ay uga Kalluumeysanayeen deegaanada maamulkaasi.