Cape Town (Sh. M. Network)-Dilal is xig xigay ayaa Dalka Koofur Africa loogu geystay Ganacsato Soomaali ah, kuwaas oo Goobo Ganacsi ku lahaa Deegaanno kala duwan oo ka tirsan Gobollada Koofur Africa.

Sida ay Xaqiijiyeen Soomaalida ku nool Koofur Africa waxaa maalmihii la soo dhaafay Kooxa Burcad ah ay ku dileen 11 qof oo Soomaali ah .

Dadka la dilay qaarkood ayaa la sheegay in goobahooda Ganacsi lagu Gubay, iyadoona dilkii u dambeeyay uu ka dhacay Khaliija ee ku taalla Magaalada Cape Town.

Waxaana lagu dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray Shire Maxamed Tawiis xilli uu ku sii jeeday Gurigiisa.

Ma jiro masuul ka tirsan dowladda Koofur Africa oo ka hadlay falalkaasi ka dhanka ah Soomaalida ku nool Koofur Africa.