Washington ( Sh. M. Network )-Inta badan Dowlad Goboleedyada Mareykanka aya ka hor yimid xayiraadii Madaxweyne Donal Trump.

Lix Dowlad Goboleed oo hor leh ayaa si cad uga hor yimid go’aankii Madaxweynaha Dalkaasi Mareykanka Donal Trump uu ku mamnuucay soo galootiga Muwaadiniinta 8 Dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Waxaana ka mid ah Gobolladaasi California, Maryland, Massachusetts, New York, Oregon iyo  Washington, kuwaasi oo qaadacay Go’aankii Trump, islamarkaana sheegay in ay tageersan yihiin go’aanka Maxkamadda Fereadalka ee Gobalka Hawaay oo diiday tallaabadii uu qaaday madaxweynaha dalkaasi horaantii Bishan.

Maamul Goboleedydan ayaa ku tilmaamay go’aankaasi mid aan Dastuuri ahayn, islamarkaana aan xilligan ka dhaqan geli karin Dalka Mareykanka.

Ku dhawaad 150 Million muwaadiniin ka kala imaan lahaa Dalalka Chad, Iran, Libya, North Korea, Somalia, Syria, Venezuela iyo Yemen, ayey saameysay xayiradaasi Trump.

Waxaana uu Madaxweynaha Dalka Mareykanka ku tilmaamay tallaabadaasi in ay ku jirto Maslaxada ammaanka Mareykanka, islamarkana waxa uu sheegay in uu Dalal hor leh ku soo dari doono liiskaasi.